Masuuliyiin Soomaaliyeed oo booqday garoonka Stadium Banaadir oo dhisme ku soconayo.

Friday March 27, 2009 - 20:34:45
0 Comments
2460
Shaafici Muxyidiin
Madax ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu hogaaminayay gudodomiye ku xigenka 1-aad cali saciid Guuleed ayaa maalintii khamiistii waxaa ay kor meer howleed ku tageen garoonka kubada cagta Stadium Banaadir o o haatan uu dhisme ku soconayo.


Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali dhagatxuur iyo masuuliyiin kale waxaana ujeedada kormeerku ay ahayd in masuuliyiinta gobalku ay arkaan howsha dhismaha ah ee ka socota garoonka Banaadir.

 

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali ayaa war bixin ka dhageystay Injineer Cadbi salaan Maxamed Maxamuud oo hogaaminaya howsha dhsimaha garoonka.

 

Injineerka ayaa sheegay in howshu ay si dar dar leh ku socoto waxaana uu intaa ku daray in ay rajeynayaan sida ugu dhaqsiyaha badan dhismaha garoonka in ay usoo gababageeyaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka cali Saciid Guuleed oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xiirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu dadaal weyn u galay dib u dayac tirka garoonka oo ay kharashka ku baxayana bixineyso hey’ada ugu sareysa kubada cagta aduunka ee FIFA.

 

Ugudambeyntii waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cusmaan cali oo ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo shirkadda EMECO howsha ay qaranka Soomaaliyeed u hayaan xiligan xasaasiga ah, talaabadan oo uu sheegay in ay tahay mid ku dayasho mudan.

 

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wuxuu amaan balaaran usoo jeediyay ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo uu sheegay in uu gacan balaaran siiyay horumarinta kubada cagta Soomaaliya.

 

Waxaa uu gudodomiyuhu talaabo lagu farxo ku tilmaamay in xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu uu dhawaan dalka ka jirgeliyay ilaa iyo 6 goobood oo lagu tababarayo dhalinyaro Soomaalieed oo mustaqbalka la doonayo dalka Soomaaliya in ay ku matalaan cayaaraha caalamiga ah.

Somali football press department

Contact: somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815



Leave a comment