Xulka U 17-ka Lesotho oo ka qeyb galaya tartan 4 dal dhex maraya.

Thursday March 12, 2009 - 14:23:44
0 Comments
2748
Shaafici Muxyidiin
Xulka kubada cagta Under 17-ka ee dalka Lesotho ee lagu naaneeso Bahlabani,ayaa maanta dalkooda ka ambabaxay iyagoo kusii jeeda dalka south Afrika oo ay kaga qeyb galayaan tartan kubada cagta ah oo dhex maraya 4 dal oo ku yaala koofurta qaarada Afrika.


Xulka
Lesotho ayaa la cayaari doona xulalka Botswana, Swaziland iyo dalka martida loo yahay  ee south Afrika waxaana cayaarahaasi ay ka dhici doonaan garoonka caalamiga ah ee la yiraahdo George Thabe Stadium jimcaha ilaa iyo Axada inasoo aadan.

Xulka Bahlabani ayaa furi doona tartanka iyagoo jimcaha la cayaari doona South Africa iyadoo kadibna ay la cayaari doonaan Swaziland maalinta sabtida ah halka Axada oo ugu dambeysana ay la cayaari doonaan xulka Botswana.

Xiriirka kubada cagta dalka Lesotho ee LEFA ayaa afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo  Baba Malephane waxaa uu sheegay in u jeedada tartankan loo qabanayo ay tahay in loogu dabaal dago maalinta xuquuqda aadanaha ee dalka South Afrika.

Dhanka kale waxaa uu afhayeenku sheegay in tani ay u diyaar garow u tahay cayaaraha under 17-ka ee dhex mari doona dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubada cagta koofurta Afrika ee council of Southern Africa Football Association (COSAFA) ,cayaarahaas oo dabayaaqada sanadkan ka furmi doona dalka Swaziland.

Xulka dalka Lesotho waxaa ay ka kooban yihiin 20 cayaartoy oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay qaadanayay tababar si ay ugu diyaar garoobaan guulo ay tartankan kasoo hooyaan.

Source: African Press Agency

Somali football press department

Contact: somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: + 2521 220176       



Leave a comment