Tababarka dhalinyarada k/cagta oo ka furmay Soomaaliya.

Tuesday March 03, 2009 - 11:40:38
0 Comments
2957
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa bilaabay daba yaaqadii todobaadkii tagay tababar kubada cagta ah oo ay qaadanayaan dhalinyaro da’doodu u dhexeyo 14-16 jirro, taas oo qeyb ka ah qorshe sanadkeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta si loosoo saaro dhalinyaro ku wangasan kubada cagta oo calanka Soomaaliya ku difaaca tartamada caalamiga ah ee mustaqabalka.


Kaaliyaha xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud oo saxaafda kula hadalay xarunta xiriirka kubada cagta maalintii Isniintii ayaa sheegay in xiriirku uu magaalada Muqdisho ka furay ilaa iyo lix xarumood oo midiiba ay ku tababar qaadanayaan 40 dhalinyaro ah.

 

“Waxaan hada ku guuleysanay in aan bilowno wajiga hore ee barnaamijka tababarka dhalinyarada oo ka furmay magalada caasimada ah,waxaana qorshaha noogu jirta in lix xarumood oo kale aan ka furnmo gobalada 4 bilood kadib”ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta xasan farey.

 

Mr. Farey ayaa sheegay in barnaamijkan tababarku uu socon doono mudo sadex sanadood ah iyadoo afartii biloodba mar dhalinyarada laga qaadi doono imtixaan lagu kala ogaanayo heerarka ay ka marayaan kubada cagta.

 

“Dhalinyaradani mustqabal wanaagsan ayay ku leeyihiin kubada cagta ,waxaana ku rajo weynahay in ay guul kasoo hoyn doonaan cayaaraha CAF iyo CECAFA ee under 17, under 19 iyo under 20”ayuu kaaliyaha xoghayhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Waa markii ugu horeysay ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu aas aaso xarumo sidan oo kale loogu tababarayo dhalinyarada lagu bar barinayo cayaarta kubada cagta, waxaana tani ay qeyb ka tahay barnaamijka horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya ee xiriirku bilaabay.

 

Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa mudo18 sanadood ka badan oo lasoo dhaafay xiligaas oo ay bur bureen dhamaan hey’adihii qaran laakin xiriirada Isboorti ee dalka oo kan kubada cagtu uu ugu weyn yahay ayaa tan iyo waqtigaas kor u siday calanka Soomaaliya oo ay dalkan ku matalayeen kulamada isboorti ee caalamiga ah.


 

Somali football press department

Contact: somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: + 2521 220176



Leave a comment