Garoonka ayaa wuxuu la mid noqday Goof ay geedo iyo cows ka baxaan oo kale, waxayna taasi keentay in dadka degan nawaaxiga garoonka ay xoolo gashadaan garoonka, si ay daaq uga helaan.
Haddaba si gaaroonka looga dhigo sidii uu ahaan jiray ayaa waxaa maanta ka bilaabatay howl dhirta looga jarayo, taasi oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxay maanta booqasho ku tageen garoonka oo ay ka socotay howlo dhirta ka baxday looga jarayay,howshaas oo uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu qabanayo.
Mas’uuliyiinta Garoonka booqday waxaa horkacayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, waxaana xubno ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish, guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Saciid Guuleed iyo C/rashiid Xuseen Caddow (Rashka) iyo Yaxye Abuukar oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Xiriirka.
Guddoomiyaha GOS C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay labo sano ay booqdaan garoonka Kubadda Muqdisho Stadium, sidoo kalena wuxuu soo dhaweeyay nabadda ka soo bidhaameysa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Abkow oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay Isboorti ahaan taageersan yihiin Dowladda cusub ee la soo dhisay, wuxuuna taas sabab uga dhigay in madaxweynaha la soo doortay uu yahay nin lagu bartay nabad uu ka hirgeliyay magaalada Muqdisho lixdii bilood ee ay talada hayeen MAxkamadaha Islaamka.
Guddoomiye ku xigeenka GOS Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa isna sidoo kale sheegay in ay farxad weyn u tahay in garoonka Muqdisho Stadium uu dib ugu soo laabto sidii uu ahaa, wuxuuna sheegay in haatan kadib uu garoonka noqon doono mid ay dhaqdhaqaaqyadii Isboorti dib uga bilaaban doonaan.
Cali Saciid Guuleed oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa isna hadal jeediyay, wuxuuna sheegay in howsha nadiifinta ah ee bilaabatay ay ku soo xigi doonto mid dayactir ah oo lagu dhisayo meelaha uu ka burburay garoonka, si buu yiri looga hortago in uusan garoonka noqon mid waddo ah oo ay dhexmaraan dadka u kala socda Xaafadaha Towfiiq iyo Xamar Jadiid ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-kii, wuxuuna ka mid ahaa xiligii dowladdii hore garoomada ugu waa weyn Qaaradda Afrika, inkastoo xiligan burburka uu noqday mid uu saameeyay burburka dalka Soomaaliya ka dhacay, iyadoo garoonka Muqdisho oo bari ka mid ahaan jiray kuwa ugu bilicda san uguna baaxada weyn Afrika iyo dunida carabta uu maanta duur u eg yahay xooluhuna u daa tagayaan.
Somali football press department
Contact: Somalifootballmedia@gmail.com
Cell phone +25250 969815
Office: +2521 220176