Rivaldo " Ronaldinho wax badan buu ku soo kordhin doonaa Milan".

Monday September 01, 2008 - 13:08:57
0 Comments
2436
Shaafici Muxyidiin
Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Rivaldo ayaa teeray go'aankii uu kooxda Milan ugu soo biiray saaxiibkii Ronaldinho oo wadanka Brazil ay ka soo wada jeedaan..

wuxuuna sheegay uusan khasaarin Ronaldinho haddiiba uu xirtay maaliyadda AC Milan ee Madoowda iyo Guduudka ah

"Ronaldinho? Wax badan ayuu Milan ku soo kordhin karaa" ayuu uu Rivaldo u sheegay wargeyska La Gazzetta Dello Sport wuxuuna intaas ku daray "Waxaan idiin sheegayaa in Ronaldinho uusan khasaarin, waayo Milan waa naadi caan ah oo ay muhiim tahay in la xirto maaliyadeeda, waxaana aamin sanahay inuu wax badan  ku soo kordhin karo, waayo anigu markii aan Milan imaanayay waan weynaa, laakiin Ronaldinho hadda waa yar yahay waana 28-jir halis ah, oo sida uu rabo ka yeeli kara kubadda".

"Waan taageersanahay go'aansa, waxaana hubaa in si aan caadi aheyn uu u ciyaaro doono, isla markaana uu kooxda la qaadi doono koobab muhiim ah, waayo aniga markii aan eegay ciyaartooyda Milan waxaa  ii soo baxday in wax badan uu Ronaldinho ka bedeli doona ciyaaraha Milan ee habacsanaatu soo wajahday".

Rivaldo oo xilli ciyaareedkii 2002/03  ka tirsanaa ciyaartooyda kooxda Milan ayaa intaas ku daray inuu ku faraxsanyahay horumarka ay sameynayaan ciyaartooyda wadanka Brazil ee ku sugan kooxda AC Milan wuxuuna ugu yaboohay in dhammaan ciyaartooyda wadanka Brazil ay tix galiaan haddii Milan ay cods u gudbiso.



Leave a comment